Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Maamulka Gobolllada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in si aad ah ay u xoojiyeen ammaanka deegaanada Maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna Cali Baashi Faarax Macalin oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo dhaawan la filayo  in uu gaaro deegaanada Maamulkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in ammaanka uu yahay mid la’isku haleyn karo, islamarkaana ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah oo xaqiijiyo amniga inta uu Madaxweynaha socdaalka ku marayo deegaanada Ahlusunna Waljamaaca.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.