Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kulan ku yeeshay M/ Muqdisho, kaas oo ay uga hadleen arrimaha Fatahaadaha ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha Golahaasi Mudane Cabdi Xaashi C/laahi.

Ugu horreyn Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa warbixin ka dhageystay guddiga Taakulada iyo gurmadka Fatahaadaha iyo sidoo kale guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golahaasi.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow ( Dhag Dheer ) guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray arrimaha Fataahadaha ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Waxaana uu sheegay in markale ay ugu daaqeen dadka ay saameeyeen Fatahaadahaasi 50 kun oo Dollarka Mareykan ah, taas oo ay iska soo aruuriyeen Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare.

Senetor Dhag Dheer ayaa intaasi ku daray in lacagtaasi loo kala qoondeeyay maamullada Jubbaland, Puntland, iyo Soomaaliland.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare  ayaa ka hadlay dagaallada dib uga qarax deegaanka Tukaraq  ee gobolka Sool.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay maamullada S/land iyo Puntland in dagaalka ay joojiyaan, wax welibana lagu dhameyaan wada hadal.

Xaaladda deegaanka Tukaraq ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona maanta dagaallo goos goos ah ay ka dhaceen deegaankaasi.