Muqdisho ( Sh. M. Network )-Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee bahda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

U jeedka Munaasabadda ayaa ahayd Shahaado guddoonsiinta Arday dhameysatay Waxbarashada heerka 2-aad ee Jaamacadda, kuwaas oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Amity University ee Dalka Hindiya, taas oo xiriir Waxbarasho la leh Jaamacadda Horseed ee Magaalada Muqdisho.

Wakiilka Jaamacadda Amity ee Dalka Hindiya, ahna Madaxa Pan Africa ee Soomaaliya Mudane Isxaaq Axmed Muuse ayaa ka warbixiyay qaababkii Waxbarasho oo ay Ardaydan soo mareen, kuwaas oo hab Online ah wax ku baranayay muddo 2-Sano ah.

Waa Dufacadii labaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Amity ee Dalkaasi Hindiya, waxaana maanta ka qalin jabiyay in ka badan 50 Arday.