Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda Indian Ocean ayaa maanta xarunta Jaamacaddaasi ku soo bandhigay daraasado cusub.

Cumar Cali Jimcaale, Cabduqaadir Cabdulaahi Axmed iyo Cabdiraxmaan Muumin Cabdulle oo horay uga baxay Indian Ocean ayaa waxa ay daraasado ka kala sameeyeen xadgudubka ay geystaan Ciidamada Booliska Soomaaliya, soo kordhidda xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta yar yar iyo nuucyada canshuurta ee ay qaado dowladda Soomaaliya.

Munaasabadda lagu soo bandhigay daraasadahani waxaa goob joog ahaa Ardayda, Macalimiinta, Maamulka Jaamacadda Indian Ocean iyo marti sharaf kale.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta