Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Barqanimadii maanta ruux shacab ahaa ku dilay Isgoyska Zoobe ee M/ Muqdisho.

Kadib rasaas ay fureen Askar ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo la socday Gaari Cabdibile ah ayaa waxaa la sheegay in uu ku Geeriyooday Wade Mooto Bajaajle ahaa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamadaasi rasaas aan loo meel dayin ku fureen Gaadiid kala duwan oo marayay Waddadaasi, kadibna uu ku dhintay ruuxaasi.

Lama oga illaa iyo hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxuumkaasi.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan Ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xilliyada ay marayaan Waddooyinka waa weyn ee Caasimadda.