Muqdisho  ( Sh. M. Network )-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa maanta sagootiyay Askar ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaas oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Askartani oo tiro ahaan gaaraya 300 oo Askari ayaa qeyb ka ahaa  ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga  Soomaaliyeed.

Wasiir Amar Dambe ayaa Ciidamadani uga digay in ay baxsadaan marka la geeyo dalkaasi Turkiga.

Ciidamada la qaaday ayaa muddooyinkii la soo dhaafay tababar ku qaadanayay xarunta tababarka Turki-Som ee magaalada Muqdisho.

Shalay ayey aheyd markii ay dalka ku soo laabteen saraakiil iyo saraakiil xigeen tababar ku soo qaaday gudaha dalka Turkiga.