Muqdisho ( Sh. Network )-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rasaas uu furay askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu dhaawac ka soo gaaray illaa 4 qof oo shacab ahaa.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii dad badan ay ku xoomeen guri uu ka taagnaa muran ka dhashay arrimo qoys oo u dhexeeyay askariga rasaasta furay iyo haweeney isaga u dhaxda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawacmay oo ahaa Haween ay ku jirto xaas uu qabay askarigaasi oo la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in khilaafka qoyskaasi uu ka bilowday kadib markii ay ku murmeen wiil ay dhaleen.

Askariga falkaasi geystay ayaa lagu soo warramayaa in uu goobta ka baxsaday, xaalada ayaana haatan dagan.

Dhacdadan ma’ahan mid ku cusub dhegaha shacabka dhowr jeer ayey dhacday in qoysas wada noolaa in muda ah ay ku murmaan arrimo la xiriira caruurtooda.