Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ku dilay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dilka Askarigaasi uu ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana la sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 ruux oo looga shakisanyahay dilka Askarigaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ay oo ka soo baxay Maamulka Degmada Waabari oo ku aadaan dilkaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii Askari ka tirsanaa Ciidanka NISA lagu dilay Xaafadda Maaj ee Degmadaasi Waabari