Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Saacadihii la soo dhaafay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ku dilay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Askarigan ayaa la sheegay in la Toogtay, xilli uu ku sugnaa Xaafadda Maaj ee DegmadaasiWaabari.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacdda Shabelle ayaa sheegay in dilkaasi ay fuliyeen 2 dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa, islamarkaana xusay in goobta ay isaga baxsadeen.

Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in Saakay howlgallo baallaaran ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Degmadaasi, inkastoo saraakiisha Ammaankau aysan faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi.

Ma  jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Waabari oo ku aadan dilka Askarigaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan.