Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa Xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ay ku dilay gudaha degmada Boondheere ee G/ Banaadir.

Askariga la dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Nuur Ciise “Halooyeelo” ayaa la sheegay in lagu dilay goob Istudio ah oo uu ku lahaa degmadaasi.

Labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Askarigaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Boondheere oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay dilka Askarigaasi.

Waxaana ay sheegeen in ay socdaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan dilka Marxuumkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.