Sydney ( Sh. M. Ntwork )-Dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday in lacag gargaar ah ay ugu deeqeyso Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka ay sameeyeen abaaraha iyo colaadaha isbiirsaday ee ka taagan gudaha Soomaaliya.

Waaxda gargaarka dibadda ee dalka Australia ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ugu yabooheyso 5.5 Milyan oo Dollar oo loogu tala galay in gargaar deg deg ah lagu gaarsiiyo dadka ay xaaladooda nololeed liidato.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia ayaa xusay in Lacagtaasi gargaarka ah Soomaaliya loo sii marin doono xafiiska howlaha gargaarka Bani’aadinimo ee Qaramada Midoobay.

Qeyb ka mid ah Lacagahaasi ayaa loo adeegsan doonaa in Qoysaska nugul lagu gaarsiiyo Biyo nadiif iyo weliba meelo ay hoy ka dhigtaan.

Dowladda Austalia ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto ka qeyb qaadashada gurmadka loo fidinayo dadka dhibaatooyinka xoogan ay ka soo gaartay abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Australia ayaa Sanadkii hore Soomaaliya ugu deeqday 17 Milyan oo Dollar oo qeyb ka ahayd gargaarkii lagu samata bixiyey Malaayiin ruux oo Soomali ah oo sameyn daran AY ku yeelatay abaartii 2017=KII ku dhufatay meelo badan ka mid ah Soomaaliya.