Cadaado (Sh.M.Network) – Hay’addaha nabad-gelyadda ee Galmudug ayaa baaritaan ku sameeyay Gaadiid tiradoodu ay gaareysay Lix, kuwaasi oo bishii hore lagu qabtay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulkan.

Masuuliyiinta oo horey uga hadlay waxay sheegeen inay tuhmayaan in Gaadiidka ay saaran yihiin Hub, iyaga oo carabka ku dhuftay inay ubaahan yihiin baaritaano dheeraad ah si loo hubiyo waxa saaran, maadaama ay daboolnaayeen.

Natiijada kasoo baxday baaritaanka lagu sameeyay Gawaaridaan ayaa waxay noqotay inay ku rarka saaran ay yihiin Gawaari iyo Silig, xili la xaqiijiyay in Hay’adda Qaramada Midoobay ay lahayd rarka saarnaa gadiidkani.

Qaramada Midoobey ayaa si weyn u cambaareysay tilaabadda lagu xayiray gaadiidka u rarnaa, waxaana ay ku tilmaamtay tilaabo ka baxsan Sharciga, iyadda oo dowladda iyo maamulka ugu baaqday inay talaabo ka qaaday cidii ka dambeysay.