Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxa ay ku shaaciyeen in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodiii Cali Gacal Casir.

Kulankan ayaa waxaa la sheegay in soo xaadireen illaa iyo 147 Mudane, islamarkaana Mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiye Casir ay u codeeyeen 146 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Guddoomiye Xareed ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya uusan aheyn Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug .

Waxaana uu tilmaamay in dhawaan ay guda gali doonaan qaban qaabada doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhegeyso Warbixinta.

Halkan Riix Oo Ka Dhegeyso Warbixinta