Jowhar ( Sh. M. Network )-Qabanqaabadii ugu danbeysay ee doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa maanta si weyn looga dareemayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana la filayaa in goor dhow ee doorashada ka bilaabato halkaasi, iyadoona ciidamada dowladda iyo kuwa AMISM oo xoojinayo ammaanka lagu arkayo xaafado ka tirsan Magaaladaasi Jowhar.

Madax ka socoto dowladda dhexe ee federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo siyaasiyiin ayaa ku sugan Magaalada Jowhar, si ay goob joog u ahadaan doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Illaa 8 musharrax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha, kuwaasi oo ku loolami doono doorashadaasi waxaana ay kala yihiin:-

1- Dr Maxamed Cabdi Waare

2- Cabdiraxmaan Xasan Caddow

3- Yuusuf Axmed Hagar

4- Cabdikariin Cali Nuur

5- Cabdinaasir Maxamed Shirwac

6- Cabdi Faarax Laqanyo,

7- Daahir Cabdulle Cawaale

8- Maxamed Caruush Diirow

Warar hoose oo ay heleyso Shabelle ayaa sheegaya in musharraxiinta ay wadaan wada tashiyo iyo kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan xildhibaanada baarlamanaka Hirshabelle, si ay uga helan Codlka kalsoonida.

Balse musharraxa ugu cad cad ayaa la tilmaamayaa in uu yahay Dr Maxamed Cabdi Waare oo ah Aqooyahan Soomaaliyeed, islamarkaana ah waayo arag la soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Dalka, waxaana uu ballan qaaday haddii uu ku guuleysto xilkan in uu wax ka qaban doono caqabadaha ka jira maamulkaasi Hirshabelle.