Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle oo shir ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa codka kalsoonida kala laabtay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Kulankan uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ajanadaha looga hadlayay waxuu ahaa in codka kalsoonida loo qaado Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble.

Shirkan oo ay soo xaadireen 76 Xildhibaan ayaa 68 ka mid ah waxey u codeeyeen in ay codka kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday.

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Hirshabelle oo qaarkood la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxey sheegeen in Madaxweynaha uu dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd Maamulka Hirshabelle.

Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo ku aadan go’aanka Xildhibaanada Maamulkaasi oo ay xilka uga qaadeen.