Kismaayo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta meel meel mariyay qaraar cusub, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraarka la Ansixiyay ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ka mamnuucaya in ay ku shiraan meel ka baxsan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Waxaana ogolaatay 32 Mudane, halka ay diideen 4 Xildhibaan, 2 kalena way ka aamuseen , sida uu ku dhawaaqay Habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Daahey.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii dhawaan M/ Kismaayo ay ka dhacday shaqaaqo siyaasadeed oo u dhaxeysay madaxaweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi.