Baydhabo (Sh. M. Network)-Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa Codka Kalsoonida waxa ay siiyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo.

Kulanka Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed waxaa soo xaadiray 123 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, iyadoona uu goob joog ahaa Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xassan Sheikh Aadan.

Waxaana Khudbad uu ka hor jeeday Baarlamaanka  Koofur Galbeed ka codsaday Xildhibaanada in ay meel mariyaan Golihiisa Wasiirada oo dhawaan uu Isku shaandheyn ku sameeyay.

Xukuumadda Shariif Xassan ayaa waxaa siiyay Codka Kalsoonida 112 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ,4 Xubnood waa ay diideen, halka qaar ka mid ah Xildhibaanada  ay ka aamuseen, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Cali.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed uu isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.