Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankii 17 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga 2 aad ee Baarlamaanka ayay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana soo xaadiray kulankan 178 mudane oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka , iyadoo uu shir guddoomiyay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ka dooday go’aankii Xukuumadda ay ka qaadatay arrinta la xariirta Cabadikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

In ka badan 50 mudane ayaa ka qeyb galay dooda la xariirta arrintaasi, waxaana badi ay soo jeediyeen in kiiska Qalbi Dhagax loo xilsaaro guddi xildhinaano ah, si ay u soo baaraan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah Golaha uu la wadaagi doono guddiga loo xilsaaro arrintaasi.

Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedyo gaaraya 10, kuwaas oo ay soo meel mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaana ka mid ah Hindise sharciyeedka hubka wax dila oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga iyo Hindise sharciyeedka wax ka badalka xeerka Saxaafadda oo ay tabashooyin ka keeneen Warbaahinta Madaxa Banaan.