Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xildhibaanada  Baarlamaanka Soomaaliya  kulanka ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kulankoodii 13aad ee qeyb ka ah Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka kaas oo ay soo xaadireen 159 Xildhibaan.

Waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyeen Sharciga Isgaarsiinta oo maanta Baarlamaanka Aqrintiisa 3aad mariyay.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Engineer Cabdi Canshuur .

Sharcigaan ayaa waxaa ogolaaday in la meel mariyo 158 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed halka 1 Xildhibaan kaliya uu diiday Sharcigaasi sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Engineer Cabdi Canshuur Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kaga Mahad celiyay Xildhibaanada Ansixinta Sharciga Wasaaraddiisa ay horkeentay Golaha Shacabka.

Sharciga Isgaarsiinta Dalka ayaa ka mid ah shuruucdii ugu waqti dheeraa ee ka baaraan dagooda mudada uu ku qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.