Muqdisho( Sh. M. Network )- Xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in bisha soo socota ay ka doodi doonaan qodobada dib u eegista dastuurka oo ay horay u soo gudbiyeen gudiyada isku dhafka ah ee dib u eegista dastuurka iyadoo dalka uu galayo doorasho qof iyo cod ah.

Gudigga isku dhafka ah ee dastuurka KMG ah ee labada aqal ee baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa ay ka hadli doonaan amniga mudanayaasha baarlamaanka iyo ciriiriga wadooyinka.

Xildhibaan Cabdulaahi Xasan Nuux oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka Somaliya ayaa xusay in si weyn looga hadli doono ammaanka xildhibaanada Somaliya.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in kulamada ugu horeeya  ee  kalfadhiga afaraad ay yeeshaan Baarlamaanka dalka oo uu dhawaa furay madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.