Muqdisho Sh. M. Network)-Guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheikh Ibraahim Mudeey ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in Fasax kooban ay galeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka fasaxa la siiyay xubnaha baarlamaanka ayuu ku sheegay in ay tahay mid loogu talagalay soo gudashada Acmaasha Xajka, waxaana la fasaxay Xildhibaanada mudo ku siman 21 Maalin.

Cabdiweli Sheikh Ibraahim Mudeey Guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka ayaa ka codsaday Xujeyda xildhibaanada ah ee Sanadkan in ay u soo Duceeyaan Dadka iyo Dalka.

Hadlkaan ayuu ka jeediyay, xilli uu maanta Shir guddoomiyay kulankii 15 aad oo ka mid ah Kalfadhiga 2 aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay soo Xaadireen 145 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxaana xildhibaanadu ay dib isugu soo laaban doonaan 6 Bisha soo socota ee September, iyadoo guddoonka sare ee baarlamaanku ka codsaday guddiyada joogtada in ay sii wadaan howlaha Shaqo ee baarlamaanka Soomaaliya.