Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Bare Jaamacadeed oo Xalay Kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Ismaaciil Xaaji Cadow Nuur ayaa Macalin ka ahaa Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan Kuliyada Shareecada.

Illaa 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay in Marxuunmka ay ku dhex dileen Gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Oodweyne ee degmadaasi.

Ilo deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goor dambe gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile oo ku aadan dilka Marxuumkaasi.

Habeen ka hor ayey ahayd markii Macalin Iskuul kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Faarax.