Muqdisho ( Sh. M. Network )-Beesha Caalamka sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub  IGad, dalalka Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka  yaa si wada jir ah u dhaweeyay go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Aamanka Qaranka ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay madashaasi oo ay ka mid ahaanyeen la wareegitanka masuuliyadda ammaanka dalka, geedi u socodka doorashooyinka 2020-ka, dib u eegista Dastuurka iyo awood qeybsiga Kheyraadka Badda ay tahay taallaabo muujineyso in Soomaaliya ay u qaaday dhanka wanaagsan, islamarkaana ay la dhacsanyihiin.

Ergayga gaar ka ah ee Qarama Midoobay u qabilsan Soomaaliya Ambassador Machel Keating ayaa sheegay in go’aanmadaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah Soomaaliya, islamarkaana looga fadhiyo masuuliyiinta dalka fulintooda.

Dhawaan ayey ahady markii M/ Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo u dhaxeeyay madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.