Muqdisho ( Sh. Network )-C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay khilaaf dhinaca Canshuuraha ah oo mudooyinkii dambe ka tagnaa Dekedda Muqdisho.

Waxaana uu sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed laga qaado wax ka yar qiimaha loogu talagalay in looga qaado Canshuur ahaan.

Wasiir Beyle ayaa beeniyay in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay Badeecooyinka ka soo daga Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.