Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan go’aankii shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ka qaatay Shirkadda DP World.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud ayaa xusay in Baarlamaanka Soomaaliya marnaba aanu aqbali doonin in shirkado iyo dowlado Shisheeye ay ku soo xad gudbnaan Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in meel loog soo wada jeesto cid walbo oo caqabad ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.