Sh Dhaxe ( Sh. M. Network )-  Gaari nuuca Soomalida u’taqaan Hoomey ama Caasi oo saarnaayeen dad shacab ah ayaa xilli ay marayeen inta u’dhaxeysa deegaanada Qalimow iyo Garasaale waxaa rasaaseeyay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle.

inta la xaqiijiyay 2 qof oo rakaabka gaarigaas la socday ka mid ahaa ayaa geeriyooday halka 2-kalana ay ku dhaawacmeen rasaastaas kuwaas oo loola cararay cusbitaal ku yaalla dagmada Jowhar.

ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle ee laxariira dhac-dadaan laakin dhawaanahaan waxaa soo badanaya gaadiidka dadka shacabka saaranyihiin ee lagu rasaaseeyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.