Muqdisho ( Sh. M. Network )-Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda ayaa caawa kulan xiiso leh ku ballansan tartan aqooneedka Shabelle.

Labada degmo ayaa caawa u tartami doono kaalinta 3-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Boondheere iyo Warta Nabadda oo dadaal badan muujiyay ayaa waxaa ugu dambeyntii looga adkaaday wareegii sama-finalka ee tartanka.

Hayeeshii la’arki doonee caawa degmada ku soo baxda kaalinya 3-aad ee tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamarjajab ayaa iska sii xaadiriyay wareega ugu dambeeya ee finalka, kuwaas oo habeen dambe isku hardin doono tartanka.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.