Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku baratamay degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda ee gobolka Bnaadir

Labada degmo oo heer wacan ka soo gaaray tartankani ayaa xalay u tartamay kaalinta 3-aad ee taratnka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Degmada Boondheere ayaa la timid dhibco gaaraya 16, halka degmada Warta Nabada ay keensatay 8 buundo.

Sidaasina waxa kaalinta 3-aad ee tartanka ugu soo baxday degmada Boondeere ee gobolka Banaadir.

Caawa tartanka bisha Ramadaan waxaa ku ballsana degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamarajajab oo isku hardi doono wareega final-ka ee tartanka Idaacada Shabelle.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.