Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ardaydani oo tiradoodu ay gaareyso 2310 arday ah ayaa maanta waxa ay u fariisteen imtaxaanka Qabuulka Jaamacadda Jobkey ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka soo qalin jabiyay Dugsiyada Sare ee Dalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey Cabdicasiis Caagane Xaaji Cabdisamad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Jaamacaddu ay sharaf u tahay in ay qaabisho Sanadkan aradaydii ugu badneyd tan iyo markii la aas aasay Jaamacadaasi.

Sidoo kale qaar ka mid ah ardaydii u fariisatay maanta imtixaanka Qabuulka ee Jaamacadda Jobkey ayaa dhankooda ka warbixiyay dareenkooda, waxaana sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay ku biiraan Jaamacaddaasi oo ka mid ah kuwa ugu tayada wanaagsan Jaamacahadaha ku yaala gudaha Dalka.

Jaamacadda Jobkey ayaa 4 tii Sanaba waxa ay qabataa arday fara badan, kuwaas oo ka soo qalin badasha Iskuulada ku yaala dalka, iyadoona maamulka Jaamacaddu uu si wanaagsan u soo dhaweeyo ardayda ku biiraya Jaamacaddaasi.