Bujumbura (Sh. M. Network)-Dowladda Burundi ayaa ciidamo cusub u soo dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqonayo howlgalka Midawga Africa ee AMISOM, kaasi oo ah mid dowlado dhowr ah ay ku gacan siinayaan dowladda Soomaaliya sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd qeybo ka mid ah Dalka oo ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab.

Ciidankan oo ka tirsan Guutada 45aad ee ciidanka Burundi ayaa waxaa hogaaminayo Col. Philbert Hatungimana oo ka mid ah saraakiisha Military ee dowladda Burundi.

Col. Hatungimana ayaa tilmaamay in ciidamadan ay qeyb ka qaadan doonan howlgalka Nabad Ilaalinta ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in door muuqda ay ku yeelan doonan ciidanka cusub ee ka socda dowladda Burundi.

Sidookale sarkaalka ayaa intaasi ku daray in ciidanka cusub la geyn doono Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, si dhawna ay ula shaqayn doonaan ciidanka dowladda Soomaaliya ee Gobolkaasi ka howlgala.

Burundi ayaa ah Dalka labaad marka laga soo tago dowladda Uganda oo markii ugu horeeyay ciidankooda ay Soomaaliya yimaadeen, waxaana ka joogo ciidamo aad u fara badan oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM.