Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta lagu wadaa in markale Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir uu ka soo muuqdo C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, si loo dhageysto Dacwadda loo heysto Siyaasigaasi.

Maxkamadda ayaa todobaadkii hore dib u dhigtay kiiskan illaa 3- bishan Janaayo oo maanta ku beegan, kadib markii uu fadhiga Maxkamadda hor tagi waayay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Dhinaca kale Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warasame oo shir jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa sheegay in la Siyaasadeynayo Dacwadda loo heysto.

Waxaana eedeyn kulul u jeediyay Xeer Ilaaliya Guud ee Qarannka Dr Axmed Cali Daahir oo uu tilmaamay in dambi uu ka raadinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.