Addis Ababa (Sh.M.Network) – Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la filayaa in maanta oo Jimco ah uu kasoo muuqdo maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ee caasimada wadankaan.

Dhageysiga maxkamada oo darajo ahaan ka duwanaan doonto afartii jeer ee horey ayaa lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan masuuliyiin sarre sida Xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya, xubno ka socda wasaarada cadaalada iyo madax kale.

Marqaatiyaal ayaa si lamid ah la rajaynayaa inay soo xaadiraan dhageysiga maanta, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay diidaan marag-furayaasha inay horyimaadaan maxkamada si ay u cadeeyaan.

Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay] oo xilka madaxwaynaha degaanka iska casilay bishii Agoosto ee sanadkaan kadib rabshado dhacay ayaa loo haystaan dacwado la xiriira inuu ku tuntay xuquuqda Aadanaha mudii uu xafiiska joogay.