Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle kulan xiiso leh ku ballansan degmooyinka Cabadicasiis iyo Xamarjajab ee goboka Banaadir.

Labada degmo ayaa ugu dambeyn nasiib u yeeshay in ay u soo gudbaan wareega final-ka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cabdicasiis iyo Xamarjajab ayaa horay guulo uga soo gaaray tartankani, una soo gudbay final-ka Caawa.

Tartamaayaasha labada dhinac ayaa muujiyay dadaal badan, tan iyo markii uu bilowday tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Degmada badisa caawa ayaa ku guuleysan doonto kaalinta 1-aad ee tartanka, halka degmada laga badiyana ay geli doonto kaalinta labaad.

Degmada Boondheere ayaa xalay ku guuleysatay kaalinta 3-aad tartanka, kadib markii ay afka ciida u dartay dhiggeeda degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.