Ottawa ( Sh. M. Network )-Dowladda Canada ayaa sheegtay in ay Lacag gaareysa 15 Million oo Dollar ay ku taageereyso Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Kenya iyo dadka ay abaaraha ku saameeyeen gudaha Dalkaasi.

Wasiirka Socdaalka iyo Muhaajiriinta dalka Canada Axmed Xuseen oo dhawaan soo gaaray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegay in inta badan Lcagtaasi loo adeegsan doono gargaarka deg deg ah.

Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka kenya oo ay ku jiraan 245,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa waxaa dhawaan nolosheeda ka deyriyey Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Axmed Xuseen Wasiirka Socdaalka iyo Muhaajiriinta Dalka Canada ayaa xusay in Lacagahaasi badankood loo wareejin doono dhinaca hay’adaha WFP iyo UNHCR, si gargaar loogu sameeyo Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab.

Lacagahaasi qeybo ka mid ah ayaa lagu wadaa in gargaar deg deg ah loogu sameeyo dad tiradoodu lagu sheegay 500,000 oo ka mid Qaxootiga Dhadhaab, kuwaas oo noloshooda si aad ah looga deyrinayo.

Dowladda Canada ayaa sidoo kale xustay in qeyb ka mid ah Lacagtaasi lagu caawin doon  in 704,000 oo ruux oo ka mid ah dadka Cunno yarida ay soo wajahday ee ku dhaqan Dalkaasi Kenya.