Ottawa ( Sh. M. Network )-Booliska Canada ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay gudaha dalkasi.

Cigaal Daa’uud oo ah Muwaadin Soomaaliyed oo 30 jir ah ayaa lagu dilay magaaladda Ottawa ee dalka Canada Axadii la sodhafay, iyadoona ay Boolisku Meydkiisa ka soo dhex heleen Gaarigiisa halkaas oo lagu Toogtay.

Qeybta dambi barista ee Booliska Canada ayaa sheegay in weli ay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ku dadaalayan sidii ay gacanta ugu soo dhigi la haayen cidii ka dambeysay dilkaasi.

Dilka Muwaadinkani Soomaaliyeed ayaa noqonaya kii 5-aad oo ka dhaca magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada, tan iyo bilaawgii Sanadkan ee 2018-ka.