Ottawa ( Sh. M. Network )-Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay Dalalkooda dib ugu celineyso illaa 1000 ruux oo  muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jiraan, kuwaas oo lagu eedeeyay in si sharci darro ah ay ku galeen Dalkaasi.

Scot bardley oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Badbaadada Dadweynaha ee Dalka Canada ayaa Wakaalada Wararka ee AFP u sheegay in dowladdu ay diiday in qaabilaad Qaxootinimo ay u sameyso dadkaasi dhawaana loo masaafurin doono Dalalki ay ka yimaadeen.

Hay’adda dhinaca xuduudaha u qaabilsan dalka Canada ayaa sheegtay tirada dadka la masaafurinayo ay gaareyso illaa 15,000 ruux oo dhamaantood ah Ajaanib.

Mr scot ayaa xusay in 1,000-ka ruux ee loo qorsheeyay in Dalalkooda lagu celiyo Dalal ahaan ay ka soo kala jeedaan:- Shiinaha, Hindiya, Mareykanka, Nigeria, Haiti, Pakistan, Mexico, Somalia, Cuba iyo Jameyka

Wasaaradd Socdaalka iyo Qaxootiga ee Dalka Canada ayaa dhawaan sheegtay in ay qaabili doonto kumanaan ruux oo ka imaanaya Dalalka saboolka iyo kuwa ay ka jiraan colaadaha.