Cadaado ( Sh. M. Network )-Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa isugu yeeray Golaha Wasiirada maamulkaasi in ay si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa lagu faray Goluhu in ay tagaan Cadaado, si looga arrinsado xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Sidoo kale Warqaddan ayaa lagu amray Wasiirkii ka dhaga adeega amarkan in lala xisaabtami doono.

Halkan hoose ka Akhriso:-