Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee DFS ayaa Xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay Xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid guri guri loo baarayaayay, ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah.

Sidoo kale intii uu socday howlgalka ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ammaanka iyo 2 dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado in ay israsaaseyn ku dhexmartay Xaafadda Siigaale ee degmadaasi Hodan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya israsaaseyntaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in dhalinyaradii hubeysnaa ay goobta isaga baxsadeen, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in gacanta lagu dhigay Raggaasi.

Howlgalkan Ciidamada Dowladda ay Xalay ka sameeyeen Hodan ayaa daba socda dil shalay degmadaasi loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii laanta Axmed Gurey ee degmada Hodan Marxuum Xasan Dheere.