Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid, Deyniile, Howlwadaag iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Waxaana sidoo kale howlgalladaasi qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgallada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu ahaa xaqjiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Balse ma shaacin natiijada rasmiga ah ee baaritaanada xalay ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli Habeen ka hor Ra’iisul wasaare Kheyre uu kulan la qaatay taliyeyaasha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay Sugida ammaanka ee magaalada Muqdisho.