Baydhabo (Sh M Network)—Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay Degaanka Abal oo qiyaas ahaan 18 Km u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Degaankan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku dagaalamayay Xoogaga Xarakada Al Shabaab iyo Dagaal yahano kale oo taabacsan Sheekh Mukhtaar Rooboow.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Maxamed Xuseen Xasan Eelaay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay la wareegeen Degaanka Abal.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay taageero u fidiyeen Ciidamada Rooboow, waxaana intaasi uu raaciyay in haatan saanad militari siiyeen Ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Mukhtaar.

Ugu dambeyn, Wasiirkan ayaa shaaciyay in Mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo dhaweynayaan Sheekh Mukhtaar hadii uu isku soo dhiibo.