Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu ay dib uga soo gurteen deegaankaasi oo Saakay ay si nabdoon ugala wareeheen Al Shabaab.

Waxaana la sheegay in Ciidamo bililiqo ay ka geysteen deegaankaasi, islamarkaana ay dhaceen goobo Ganacsi oo ku yaallay halkaasi.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan arrintaasi.

Balse muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab gobolkaasi Shabeelaha Hoose.