Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidamo Ajnabi ah ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Saakay howlgallo ka bilaabeen gobolkaasi, gaar ahaan deegaano ay maamulayeen Al Shaabab.

Howlgalladaas ayaa waxaa la sheegay in ay kula wareegeen deegaanada Mubaarak, Daarusalaam iyo degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Intii uu socday howlgalkaasi ayaa meelaha qaar waxaa Iska hor imaadyo kooban ay ku dhexmareen Ciidamada Huwanta ah oo ay hoggaaminayaan kuwa dowladda iyo dagaalamayaasha Al Shabaab.

Hase ahaatee Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Iska hor imaadyadaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay sidoo kale isaga baxeen degaanka Doon-buraale oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Ciidamada Dowlada ayaa lagu soo waramayaa in ay Garab ka helayaan Ciidamo Cadaan ah oo ka taageeraya dhanka cirka, kuwaas oo dhowr mar howlgallo kala qeyb qaatay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab, kuna aadan howlgalladaasi.

Muddooyinkii Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al Shabaab ka waday koonfurta Soomaaliya, gaar ahaa gobolkaasi Shabeelaha Hoose.