Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa duhurnimadii maanta fashiliyay qarax Miino oo lagu aasay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu aasay Waddada dhinaceeda, iyadoona ay qarxiyeen Ciidamada Boolisku, gaar ahaan kuwa Miino baarista.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir C/kariin Cali Kaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaraxaasi.

Waxaana uu sheegay gudddoomiyuhu in wax khasaare ah aysan geysan Miinadaasi, laguna guuleystay in la qarxiyo.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.