Awdheegle (Sh. M. Network)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa ku soo waramaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolkaasi, kadib markii ay isaga baxeen Al Shabaab.

Waxaana ciidamadu ay la wareegeen Gacan ku heynta Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Generaal Sheegow oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in Fariismo cusub ay ka sameysteen halkaasi, waxaana goobjoogayaal ay Shabelle u sheegeen in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan deegaanadaasi.

Al Shabaab ayaa in muda ah ka talinayay Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose oo ay hada la wareegeen ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan ka bixitaanka deegaanadaasi.