Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saakay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Iddaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan guluf ka dhan ah Al Shabaab, si  looga saaro Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in dhaq dhaqaaqyada haatan ay ka socdaan nawaaxiga Degmooyinka Garbahaarey, Luuq iyo Baardheere, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al Shabaaab

Sidoo kale Cismaan Nuux Xaaji guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in ay ka dhabeeyaan go’aankii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in guud ahaan Dalka laga saaro Xarakada Al Shabaab.

Xilli madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay dagaalka Al Shabaab, kadib qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.