Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal Ciidamada ammaanku saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degmada Heliwaa ee gobolkan Banaadir.

Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Ciidamada dowladdu ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo uu magaciisu ku sheegay Abuukar Xasan Cadde.

Sarkaalkan la dilay ayuu sheegay in Xarakada Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka amniyaadka qeybta Bari ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaasi ku daray in ay ku raadjoogeen sarkaalkan, tan iyo sanadkii 2015-kii, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay Afhayeenku in Ciidamadu sidoo kale ay dhaawaceen 3 kale oo sarkaalka la dilay la socotay, dhankoodana laga dhaawacay 1 Askari.