Buulo-Burte ( Sh. M. Network )-Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay nawaaxiga degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen tuulooyinka Beero Yabaal, Weylo Wad iyo Caad Bashiir oo hoos yimaada degmadaasi.

Waxaana la sheegay in Ciidamadu ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi illaa 3 qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen Miino lagu aasay inta u dhexeysa Buulo-Burte iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, taas oo lagu guuleystay in laga saaro halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo ka hadlay howlgalladan ayaa sheegay in Raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Al Shabaab dhowr jeer oo hore weeraro iyo qaraxyo xoogan ka fuliyay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.