Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa xalay howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamada Boolisku ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaasi.

Lama oga illaa iyo hadda natiijada ka soo baxday howlgalladaasi oo saameyn ku yeeshay dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga degmadaasi Dharkenley.

Xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi.

Xaaladda ayaa saakay dagan, iyadoona uu si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqii guud ee degmadaasi.