Muqdisho ( Sh. M. Network )- Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee g/ Banaadir

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen Xaafadda Taleex ee degmadaasi.

Waxaana ay Ciidamadu ku soo qab qabteen howlgalkaasi tiro dhalinyaro ah oo ku sugnaa Xaafaddaasi

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed C/laahi  “Tuulax” oo uu wehliyo guddoomiyaha degmada Hodan ayaa kormeer ugu tagay Ciidamadaasi, iyagoo indha indhaynayay sida uu u socdo howlgalkaasi.

Waxaana guddoomiye Tuulax oo la hadlay Warbaahinta uu sheegay in howlgalka lagu soo qab qabtay in ka badan 400 oo ruux, balse la sii daayay markii lagu waayay wax dambi ah.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.