Jowhar ( Sh. M. Network )-Ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana howlgalladan horkacayo Abaan duulaha Ciidanka Xooga Jeneraal C/laahi Cali “Caanood” iyadoona ciidamadu dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in u jeedkoodu uu yahay, sidii Al Shabaab ay uga saari lahaayeen guud ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” aya dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kadib qaraxii 14 kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdishio

Waxaana Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka bilaawaday howgallo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.